Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NATO: Waa sharci walaaca amni ee Turkigu ka muujiyay codsiga xubinnimada Sweden iyo Finland


Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg oo booqasho ku jooga dalka Finland, ayaa sheegay in walaac dhinaca ammaanka ah oo ay Turkigu ka muujisay codsiga xubinimada ee dalalka Finland iyo Sweden ee ka mid noqoshada NATO ay tahay mid sharci ah.

"Kuwani waa walaacyo sharci ah, waxayna ku saabsan yihiin argagixisada iyo dhoofinta hubka," ayuu Stoltenberg ku sheegay shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen madaxweynaha Finland Sauli Niinisto oo uu ku booqday hoygiisa magaalada Naantali.

Sweden iyo Finland ayaa bishii hore codsaday inay ku biiraan xulafada difaaca reer galbeedka, taasoo jawaab u ah duullaanka Ruushka ee Ukraine. Balse waxa ay mucaaradad kala kulmeen Turkiga oo ku eedeeyay in ay taageeraan oo ay gabaad siiyaan mintidiinta Kurdiyiinta iyo kooxaha kale ee uu u arko argagixiso.

Stoltenberg ayaa sheegay in Turkiga uu yahay kan ugu muhiimsan xulafada isbaheysiga, gaar ahaan goobaha istaraatiijiga ah ee ku taal Badda Madow ee u dhaxeysa Yurub iyo Bariga Dhexe, wuxuuna tusaale u soo qaatay taageerada ay siisay Ukraine tan iyo markii Ruushka uu weerar militari oo uu ugu yeeray "Hawlgalka Military ee Gaarka ah" uu ku qaaday deriskooda 24-kii Febraayo.

"Waa inaan xasuusannaa oo aan fahamnaa in uusan jirin dal ka tirsan xulafada NATO oo la kulmay weerarro argagixiso oo ka badan kuwa Turkiga," ayuu yiri Stoltenberg.

Stoltenberg iyo Niinisto ayaa sheegay in wadahadalada Turkiga ay sii socon doonaan balse ma aysan sheegin wax horumar ah oo laga gaaray wadaxaajoodyada.

"Kulanka Madrid waligiis ma ahayn waqti kama dambays ah," ayuu yiri Stoltenberg, isaga oo tixraacaya shirkii NATO ee Madrid ka dhacay dhammaadka Juun.

Reuters..

XS
SM
MD
LG