Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muxuu yahay fayruska monkeypox ee dunida ka dillaacay?


Ku dhowaad 20 dal oo dunida ah ayaa soo wariyay kiisas la xiriira feyruska monkeypox, iyadoo la xaqiijiyay kiisas ka badan 250 kiis oo dalalka caalamka ah, kuwaasi oo ah bukaano uu cudurku haleelay iyo kuwo looga shakisan yahay.

Faafista cudurkan ayaa keentay qeylo dhaan baahsan maadaama cudurkan oo inta badan lagu arki jiray galbeedka iyo bartamaha Afrika uusan horey ugu faafin dalalka kale ee dunida.

Haddaba waxa uu cudurkani yahay, sida lagu kala qaado iyo su’aalo kale oo quseeya ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan weydiiyay Dr. Mahad Maxamed Xassan oo ah dhakhtar la soo shaqeeyay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Dr. Mahad waxa uu haatan yahay wasiir ku-xigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda ee dawladda Soomaaliya.

Muxuu yahay fayruska monkeypox ee dunida ka dillaacay?
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:31 0:00

XS
SM
MD
LG