Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muuse Biixi oo ka hadlay kiisaska kufsiga ee kusoo badanaya Somaliland


Muuse Biixi
Muuse Biixi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in uusan dhinacna uga beyreyn wixii sharci ah, islamarkaana uu qabanayo doorashada Somaliland, iyadoo loo marayo buu yiri sharciga.

Waxaa kale oo Biixi uu ka hadlay kiisaska kufsiga ee mudooyinkii u dambeeyay ka dhacay Somaliland oo lagu sheegay in 286 kiis ay ka dhaceen muddo 7 bilood gudahood ah.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad ay arday ku qalinjebineysay oo uu kaga qeyb galay magaalada Hargeysa.

Warbixin arrintan la xiriirta waxaa Hargeysa ka soo dirtay Sagal Mustafe Xassan.

Muuse Biixi oo ka hadlay kiisaska kufsiga ee Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:41 0:00

XS
SM
MD
LG