Nairobi —
Ololaha doorashada madaxtanimada dalka Kenya ee lagu wado in ay dhacdo bisha August ee sanadkan ayaa si xowli ah ku bilowday, ayadoo siyaasiinta Kenyaanka ah ay loollan xooggan ugu jiraan sidii ay taageero uga heli lahaayeen Soomaalida Kenya.
Ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo la kulmay Soomaalida Xaafadda Islii ayay ka wadahadleen sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ay inta badan la kulmaan ganacsatada iyo Soomaalida ku nool dalka Kenya.
Wariyaha VOA ee magaalada Nairobi Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbiixnta inoo soo diray.