Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muranka doorashada Kenya: Maxaa laga filan karaa Maxkamadda Sare?


Maxkamadda Sare ee dalka Kenya oo guda gashay kiiska lagu muransan doorashadii madaxtanimada ee dakaasi ka dhacday horraantii bishan ayaa la filayaa inay go’aan garato maalmaha soo socda.

Doorashada ayaa xubno ka mid ah guddiga doorashada ay sheegeen in Madaxweyne loogu doortay William Ruto, balse uu ka horyimid musharax Raila Odinga.

Isbahaysiga uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa Azimio oo natiijada doorashada ku gacan sayray ayaa todobaadkaan cabashadooda natiijada ay ka qabaan ay u gudiyeen maxkamadda sare ee dalkaasi.

Xisbiga madaxweynaha dooran ee UDA ee William Ruto ayaa sheegayaan inay iska difaaci doonaan eedeymaha uga imaanaya dhinaca doorashada looga adkaaday ee Raila.

Haddaba maxaa laga filan karaa go’aanka maxkamadda? Kenya awood ma u leedahay inay markale qabato doorasho ku celis ah dhaqaale ahaan.

Su’aalahaasi iyo kuwo kale waxaa Wariyaha VOA-da ee Naiorbi Khadar Maxamuud Xareed uu waydiiyay Garyaqaan Xassan Sheekh Cabdulcasiis oo ka mid ah garyaqaanada Soomaalida ee ka hawlgalada magaalada Nairobi.

Muranka doorashada Kenya: Maxaa laga filan karaa Maxkamadda Sare?
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:32 0:00

XS
SM
MD
LG