Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriintii ugu badnayd oo soo gaadhay xuduuda Maraykanka ee Mexico


Muhaajiriin ka yimi Americada Koonfureed

Muhaajiriinta usoo tahriibaya dalka Maraykanka ee ka soo gelaya xadka dalka Mexico ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyey muddo labaatan sano ah.

Maraykanka ayaa isu diyaarinaya inay xadka soo gaadhaan tiro intaas ka sii badan, iyada oo la filayo in la qaado amar dhinaca socdaalka ah oo la soo rogay xilligii uu sida aadka ah u faafayey xanuunka COVID19, kaas oo dib u celinayey muhaajiriinta iyo magangelyo doonka.

Masuuliyiinta hay’adda Socdaalka ee Maraykanka ayaa sheegay in bishii March oo keliya in illaa 221,303 oo jeer la joojiyey muhaajiriin ka soo tallaabaya xadka Koonfur Galbeed ee Maraykanka, taasoo ka dhigan inuu jiro korodh gaadhaya illaa 34% marka la barbardhigo bishii February, sida ku cad xog ay hay’adda ilaalada xuduudaha Maraykanku u gudbisay maxkamad ku taalla gobolka Texas.

Tirade muhaajiriinta ayaa bilba bisha ka dambaysay sii kordhayey tan iyo markii uu xafiiska qabtay madaxweyne Biden, waxaana arrintani keentay in kooxaha kasoo horjeeda maamulka Biden inay u adeegsadaan caddaymo ku saabsan inaan madaxweyne Biden masuuliyad badan iska saaray ammaanka xuduudda.

Associated Press

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG