Roma —
In ka badan 90 muhaajiriin ah ayaa dooni ay la socdeen ku dagtay badweynta Meditareeniyaanka kadib markii ay kasoo safreen dalka Liibya si u gaaraan dalalka Yurub.
Hay'adda Q.M u qaabilsan socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in sadexdii bilood ee ugu dambeysay ay badweyntaasi ku geeriyoodeen 300 oo qof oo muhaajiriin ah.
Haddaba wariyaha VOA-da ee Europe, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa shilkan ugu dambeeyay ka waraystay Shukri Siciid oo ah saxafiyad ku nool magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.