Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka Turkey oo ku baaqay dibad-bax kadib markii la xiray duq magaalo

Xisbiyada mucaaradka Turkey ayaa Khamiista maanta ku baaqay dibad-bax ka dhan ah wax ay ku sheegeen xarig siyaasad ay ka dambeyso oo loo gaystay duq magaalo oo lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay kooxda la mamnuucay ee Kurdiyiinta ee PKK.

Dhowr boqol oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay fiidnimadii Arbacada bannaanka maxkamadda Istanbul, halkaasi oo Ahmet Ozer, duqa degmada Esenyurt ee Istanbul, lagu soo oogay dacwado, dhowr saacadood ka dib markii la xiray.

Ozer waxa uu ka tirsan yahay xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CHP, kaas oo cambaareeyay eedeymaha, kuna tilmaamay "mid aan sal iyo raad lahayn".

Xisbiga CHP iyo kan DEM, oo ah xisbiga ugu weyn ee taageera Kurdiyiinta -- oo sidoo kale ku dhaleeceeyay xarigga "afgambi siyaasadeed" -- waxay ku baaqeen mudaaharaad 4-ta galabnimo ka dhaca banaanka hoolka magaalada Esenyurt, oo ku taal dhinaca Yurub ee Istanbul.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in Ozer loo xiray "inuu yahay xubin ka tirsan ururka argagixisada ee PKK", iyadoo sheegtay inay u magacawday guddoomiye ku-xigeenka Istanbul inuu beddelo.

PKK, oo tan iyo 1984-kii wadday tobanaan sano oo fallaago ah oo ka dhan ah dowladda Turkiga, oo ay ku dhinteen kumannaan qof, ayaa Turkiga iyo xulafadiisa reer galbeedka waxay ku dareen liiska madow ee ururada argagixiso.

Hogaamiyaha CHP Ozgur Ozel ayaa Arbacadii dhalleeceeyay xariga, isaga oo ku tilmaamay "mid ku saleysan eedeymo aan sal laheyn iyo hadallo ku jiray buug uu qoray sanado ka hor," wuxuuna ballan qaaday inuu soo saari doono "jawaabta ugu adag ee suurta-galka ah".

Mudaaharaadyada ka dhacay bannaanka maxkamadda ayaa waxaa ku biiray duqa magaalada Istanbul ee awoodda badan ee mucaaradka ah, Ekrem Imamoglu, oo ah xubin weyn oo ka tirsan xisbiga CHP.

Xisbiga DEM ayaa sidoo kale dhalleeceeyay tallaabadaas oo uu ku tilmaamay "sharci darro," waxaana uu sheegay in hoggaankoodu uu sidoo kale tegi doono mudaaharaadka Khamiista.

Ozer oo ah bare jaamacadeed ayaa la doortay bishii Maarso markii musharraxiinta mucaaradka ay ku guuleysteen magaalooyin badan oo ku yaalla Turkiga oo ay ku jirto Istanbul.

Balse maamulka doorashada ayaa meesha ka saaray musharaxa xisbiga DEM ee loo doortay maayarka magaalada bariga ku taal ee Van, taasi oo kicisay mudaaharaadyo rabshado wata.

Musharaxa ayaa markii dambe dib loo soo celiyay.

Madal

XS
SM
MD
LG