Nairobi —
Isbahaysiga mucaaradka Kenya ayaa maanta shaciyay inay dalkaasi todobaadka dambe ka dhigi doonaan dibadbaxyo illaa sadex maalmood oo isdaba joog ah.
Dibadbaxyada ayey sheegeen inay uga soo horjeedaan arrimaha sharciga canshuur kordhinta ganacsiga dalkaasi, sare u kaca qiimaha maciishadda iyo dowladda madaxweyne William Ruto oo ay sheegeen inay doonaan inay maamulka ka tuuraaan.
Madaxweynaha Kenya, oo isana maanta hadlay, ayaa sheegay in dowladdiisu aysan ogalaan doonin in fowdo laga sameeyo dalka Kenya, isagoo xusay inay gacan bir ah ay ku qabanaan mas’uulyiinta dibadbaxyada abaabulaya.
Warbixintan waxaa Nairobi kasoo diray Khadar Maxamuud Xareed.
Embed
share
Embed
share
The code has been copied to your clipboard.
The URL has been copied to your clipboard
No media source currently available
Madal