Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Maxkamadeynta 3 Soomaali Ah oo Gashay Maalinkii 10-aad


Waxaa saaka abaaro 9:00 AM dib u bilaabatey dacwada loo heysto saddex wiil oo Soomaali Mareykan ah, kuwaasoo kala ah Mohamed Abdihamid Farah, Abdurahman Yasin Daud and Guled Ali Omar.

Maxkamada ayaa maanta waxaay maalintii sedexaad dhageysaneysaa marqaati furka Abdirahman Bashiir oo laftiisa horey uga mid ahaa kooxaha mintidiinta, balse hadda u shaqeynaayey hey’adda FBI oo uu u hayey howl xuuraanimo ah iyo inuu saaxiibadii ka xog keeno.

Maanta ayaa maxkamada waxaa fadhiyey gudiga xeerbeegtida, waalidka iyo caruurta iyo dad kale, iyo sidoo kalena eedeysanayaasha oo ay wehliyaan qareenadooda.

Codadka maanta maxkamada loo soo bandhigey ayaa ahaa kuwo wadasheekeysi ah, sidoo kalena waxaa la soo bandhigey wadasheekeysi dhexmarayey dhalintan iyo nin la sheegey inuu joogey Syria oo lagu magacaabo Abdi Nuur oo ay ku waceen qadka Skypeka.

Wadasheekeysigan ayaa qeyb ka mid ah waxa ay muujineysey dhalinyaradan oo u riyaaqsan saaxiibkood oo Syria ku guursadey gabar ay sheegeen in ay tahay Bangladesh.

Ereyada qaar waxa ay ahaayeen kuwo dhalinyaradan ay isla garanayeen oo dadka loo tarjumey balse micnahoodu caddeyn. Waxaase ay mararka qaar sheegayeen sida ay u doonayaan in ay ugu safraan dalka Syria.

XS
SM
MD
LG