Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Mareykanka oo Cabdiraxmaan Kaahin u aqoonsaday ganacsadaha sannadka 2023


Kaahin
Kaahin

Madaxa Maamulka Ganacsiga Yaryar ee dowladda Maraykanka Isabella Casillas Guzman, ayaa ku dhawaaqday shakhsiyaadka hoggaaminaya ganacsiyada yar ee sanadka 2023-ka ee 50-ka gobol ee Mareykanka, degmada caasimadda, iyo deegaanka Puerto Rico.

Guuleystayaasha ayaa xaflad abaalmarin ah loogu qaban doonaa magaaladan Washington DC, 30-ka April, iyadoo 1-da May-na midkood loo aqoonsan doono ganacsadaha ugu mudan ee sanadkan ee ganacsiyada yaryar ee Mareykanka oo tiradoodu gaareyso 33 milyan.

Cabdiraxmaan Ciise Kaahin oo ah milkiilaha maqaayadda Afro Deli ayaa noqday Soomaaligii u horreeyey ee ku guuleysta ganacsadaha sanadka ee gobolka MN waxaana uu ka qeybagli doonaa tartanka guud ee dhacaya bisha May.

Wariyaha VOA-da Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa khadka telfoonka kula xiriiray waxaana uu weydiiyay waxa uu aqoonsigan kaga dhigan yahay ganacsatada Soomaalida.

Wareysiga Cabdiraxmaan Kaahin.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:49 0:00

XS
SM
MD
LG