Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midawga Yurub oo soo jeediyey in laga maarmo ku tiirsanaanta saliidda Ruushka


UKRAINE-CRISIS/EUROPE-ENERGY
UKRAINE-CRISIS/EUROPE-ENERGY

Madaxa Midayga Yurub Urzula von Der Leyen ayaa daaha ka qaadday tallaabooyin cusub oo lagu ciqaabayo dalka Ruushka, iyada oo ku dhawaaqday qorshayaal cusub oo lagu joojinayo iibka saliidda ceydhiin ee dalka Ruushka muddo lix bilood gudahood ah iyo in la joojiyo dhammaadka sannadkan, in dalalka Midawga Yurub ay shidaalka sifaysan ka soo iibsadaan dalka Ruushka.

Cunaqabataynadan cusub ayaa u baahan in xubnaha Midawga Yurub ay si dhamaystiran isugu raacaan, si ay u dhaqan gasho.

"Aan caddeeyo, ma fududaan doonto sababtoo ah qaar ka mid ah wadamada xubnaha ka ah Midawga Yurub waxay si xooggan ugu tiirsan yihiin saliidda dalka Ruushka, laakiin waa inaan si xikmadaysan arrintan u galnaa," ayay Urzula Von der Leyen u sheegtay baarlamaanka Midawga Yurub.

Waxay sheegtay in habka loo waajahayo arrintan inay u ogolaanayso xubnaha Midawga Yurub inay helaan meelo kale oo ay ka soo dejisan karaan saliidda si ay uga maarmaan ku tiirsanaanta saliidda iyo shidaalka dalka Ruushka, sidoo kale arrintani waxay saamayn ku yeelanaysaa suuqyada tamarta ee caalamiga ah.

Warkan qayb ka mida waxaa laga soo xigtay AP, AFP iyo Reuters

XS
SM
MD
LG