Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa Isniintii sheegay in shirkadda Microsoft ay ku jirto wadahadallo sidii ay u iibsan lahayd TikTok, xilli mustaqbalka barnaamijkan ee gudaha dalka uu wajahayo hubanti la’aan.
TikTok ayaa wajaheysa sharci Maraykan ah oo ku amraya shirkadda in ay ka baxdo lahaanshaha shirkadda Shiinaha ee ByteDance ama laga mamnuuco gudaha dalka Maraykanka.
Mar la weydiiyay Isniintii in Microsoft ay wadahadal kula jirtay iibsashada TikTok, ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta: "Waxaan dhihi lahaa haa."
"Xiiso badan ayaa loo qabaa TikTok, waxaa jira dan weyn oo loo qabo TikTok," ayuu ku daray isagoo saaran diyaaradda Air Force One.
Wuxuu xusay in "dagaal xaraash ah" (bidding war) uu isna noqon doono horumar wanaagsan.
Sharci mamnuucaya TikTok ayaa dhaqan galay 19-kii Janaayo iyadoo loo sababeeyey cabsi laga qabo in dowladda Shiinaha ay u adeegsan karto in ay ku basaasto dadka Maraykanka ah ama si qarsoodi ah saameyn ugu yeelato ra'yiga dadweynaha Maraykanka.
Laakiin Trump wuxuu hakiyay dhaqangelinta sharcigaas muddo laba bilood iyo bar ah, isagoo xal ka raadinaya Beijing.
Microsoft waxay ka mid tahay iibsadayaasha suurtagalka ah ee TikTok, sida uu sheegay Angelo Zino oo ka tirsan xarunta daraasaadka ee CFRA Research.
Wuxuu aaminsan yahay in Microsoft "ay rabto in ay si qoto dheer uga dhex muuqato suuqa xayaysiisyada dhijitaalka ah."
TikTok ayaa 20-kii Janaayo si ku meel gaar ah uga xirmatay gudaha Maraykanka iyadoo xilligii kama dambaysta ahaa ee sharciga uu soo dhawaaday.
Trump ayaa markaas ballan qaaday in uu soo saari doono amar fulineed isla marka uu xafiiska la wareego si uu u dib u dhigo mamnuucidda, si waqti loogu helo "in heshiis la gaaro."
TikTok ayaa markii dambe dib u soo celisay adeeggeeda gudaha dalka, iyadoo ku ammaantay Trump in uu ka dhigay suurtagal dib u laabashadaas – in kastoo maamulka xilka ka sii degayey ee Biden uu horay u shaaciyay in uusan dhaqangelin doonin wax mamnuucid ah.
Intii uu joogay Aqalka Cad xilli-madaxeedkiisii koowaad, Trump wuxuu isku dayay in uu TikTok ka mamnuuco gudaha Maraykanka isagoo ka walaacsan arrimaha amniga qaranka, balse hadda wuu beddelay fikarkiisa.
Madal