Washington —
Xaakim federaal ah ayaa bisha Maarso ee sannadka danbe u muddeeyay in la qabto dhagaysiga dacwad ka dhan ah madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.
Dacwaddan ayaa ku saabsan eedo la xiriira in uu qorsheeyey in uu afgembiyo doorashada madaxtinimada ee 2020-kii.
Maxkamadeynta taariikhiga ah ayaa ka dhigan in ay dhaceyso xilli ololaha doorashada is-reebreebka xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa ah ay meel xasaasi ah mareyso.
Trump ayaa ah musharraxa ugu cadcad xisbiga Jamhuuriga doorashada dhaceysa 2024-ka.
Weriyaha VOA uga soo warranta arrimaha Diblomaasiyadda Cindy Saine ayaa warbixintan diyaarisay, waxaana soo jeedinaya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.
Madal