Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda ICC oo soo saartay amar soo xiritaan oo ka dhan ah Putin


Putin
Putin

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa maanta ku dhowaaqday inay soo saartay amar soo xiritaan oo ka dhan ah madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sababo la xiriira inuu “si sharci darro ah u masaafuriyey” caruur reer Ukraine ah.

Maxkamadda fadhigeedu yahay Hague ee ICC ayaa sheegtay insidoo kale ay soo saartay amar soo xiritaan oo ka dhan ah Maria Lvova-Belova, oo ah wakiilka madaxweynaha Ruushka ee xuquuqda caruurta, oo Iyana loo haysto eedyemo la mid ah kuwa Putin.

Russia xubin kama ahan ICC. Ma cadda sida ay ICC u qorsheyneyso inay u dhaqan-geliso amarka.

“Maanta, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada waxay soo saartay waaran lagu soo xirayo laba qof oo la xiriirta xaaladda Ukraine: Mr Vladimir Vladimirovich Putin iyo Ms Maria Alekseyevna Lvova-Belova,” ayay ICC ku tiri bayaan ay soo saartay.

Putin "waxaa la tuhunsan yahay inuu mas'uul ka yahay dembiga dagaal ee masaafurinta sharci-darrada ah ee carruurta) oo laga wareejiyey dhulka la haysto ee Ukraine lana geeyey Federaalka Ruushka."

ICC ayaa sheegtay in dambiyada ay soo billowdeen 24-kii Febraayo 2022, markaasi oo Ruushka uu ku duulay Ukraine.

"Waxaa jira sababo macquul ah oo lagu aamino in Mr Putin uu qaadayo mas'uuliyadda shakhsi ahaaneed ee dambiyada aan xusnay," ayaa lagu yiri bayaanka ICC.

Putin ayaa la tuhunsan yahay inuu si toos ah mas'uul uga ahaa ficilladan iyo "inuu ku guul dareystay inuu si sax ah uga xakameeyo dadka rayidka ah iyo kuwa milatariga ah ee ka hooseeya dambiyada ay gaysteen ama oggolaaday inay gaystaan.”

Moscow ayaa ku gacan sayrtay go’aanada ICC, kuna tilmaamtay “inaysan wax macno ah la hayn.”

“Go’aanada Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) wax macno ah kama lahan dalkeena, oo ay ku jirto marka laga eego dhanka sharciga,” waxaa sidaas tiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka Maria Zakharova.

“Russia qeyb ka ahan Axdiga Rome ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, mana jiraan wax waajibaad ah oo saaran,” ayey ku dartay.

“Ruushka lama shaqeeyo hay’addan, islamarkaana amar kasta oo xarig oo ka yimaada maxkamadda caalamiga wuxuu sharci ahaan noqon doonaa mid aan ka jirin dhankeena,” ayey tiri ayada oo aan xusin magaca Putin.

Dacwad-oogaha ICC Karim Khan ayaa maalmlo un kadib dullaankii Ruushka, wuxuubaaritaan ku billaabay dambiyada dagaal iyo dambiyada ka dhanka ah bani’aadannimada ee la tuhusan yahay inay ka dhaceen Ukraine.

AFP

XS
SM
MD
LG