Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi, wasiirkii arrimaha dibadda ee dalkaasi iyo dhowr sarkaal oo kale ayaa Isniinta maanta ah meydadkooda la helay, saacado ka dib markii diyaarad helicopter ah oo ay la socdeen ay ku burburtay buuraley ceeryaamo qarisay oo dhacda waqooyi-galbeed dalkaasi, sida ay warisay warbaahinta dowladda.
Burburka diyaaradda ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Bariga Dhexe uu ka socdo dagaal u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, iyadoo Raisi, oo 63 jir ahaa uu isagoo ka amar qaadanaya hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei uu bishii hore Israel ku qaaday weerar gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyuhu la socon ah.
Haddaba sidee ayaa geerida madaxweynihii Iran Ibraahim Ra’iisi ay u saamayn kartaa Bariga Dhexe iyo caalamka kalenba? Su’aashaas ayaa Cabdulqaadir Maxamed Mursal uu hordhigay Bashiir Maclin Khaliif Cusmaan oo ka faallooda arrimaha Carabta iyo guud ahaan Bariga Dhexe.
Madal