Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Maxay tahay rajada Soomaalida Kenya ee dowladda Madaxweyne William Ruto?

Madaxweynaha cusub ee Kenya Willim Ruto oo shalay xafiiska loo dhaariyay ayaa sheegay inuu yahay Madaxweynaha dadka Kenyanka oo dhan ah, islamarkaana uu wax ka qaban doono qiimaha sicirka maciishadda iyo cuntooyinka quutul daruuriga ee dalkaasi oo aad u kacsan iyo la dagaallanka musuq-maasuqa.

Soomaalida Kenya ayaa kamid ahayd bulshooyinkii inta badan u codeeyay hogaamiyihii doorashada looga adkaaday ee Raila Odinga, waxaana maalmihii lasoo dhaafay jiray in Soomaalida Kenya ay hadal hayeen rajada ay ka qabaan dowladda cusub ee Madaxweyne Ruto.

Haddaba maxay tahay rajada ay Soomaalida Kenya ay ka qabaan Dowladda cusub ee William Ruto.

Dr. Maxamed Ibraahim Shakuul oo kamid ah masuulyiinta Soomaalida Kenya ayaa arrintaasi uga warramay Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.

Maxay tahay rajada Soomaalida Kenya ee dowladda Madaxweyne William Ruto?.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:29 0:00

XS
SM
MD
LG