Tel Aviv —
Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa maanta oo Isniin ah ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu inuu ka tanaasulo qorshaha dib u habeynta garsoorka dalka.
Arrintan ayaa imaneysa iyada oo ururka ugu weyn ee shaqaalaha Israel ay ku dhaqaaqeen shaqo joojin ay kaga cabanayaan isbeddellada la soo jeediyay.
Warbixin arrintaas ku saabsan oo ay VOA diyaarisay waxaa soo jeedinaya Xuseen Barre.