Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay ka dhigan tahay safarka wafdiga Xuutiyiinta ee Riyadh?


Saraakiil ka tirsan Fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee Iran ay taageerto ayaa u safraya magaalada Riyadh, halkaasi oo ay ku tagayaan booqashadoodii ugu horreysay oo si cad loo shaaciyo tan iyo markii uu qarxay dagaalka ay kula jiraan isbahaysiga milatari ee Sacuudiga uu hogaamiyo, sida wakaaladda wararka AFP ay Khamiistii u sheegeen ilo diplomasiyadeed.

Saraakiisha Xuutiyiinta ayaa maalmaha soo socda wadahal la yeelan doona mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Sacuudiga oo 2015-kii howlgal milatari ku faragalisay dalka Yemen, lix bilood kadib markii Xuutiyiinta ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada caasimadda ah ee Sanca.

Haddaba booqashada xubnaha ka socda Xuutiyiinta maxay uga dhigan tahay colaadda Yemen, rajo intee la’eg ayaase laga qabaa inay fure u noqoto soo afjaridda colaadda u dhexysa labada dhinac. Su’aalahaas ayuu Cabdulqaadir Maxamed Samakaab
weydiiyay Maxamed Cali Biixii oo ka faallooda arrimaha Carabta iyo guud ahaan Bariga Dhexe.

Maxay ka dhigan tahay safarka wafdiga Xuutiyiinta ee Riyadh?
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:46 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG