Washington —
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa la filayaa inuu bishan gudaheeda booqdo dalka Shiinaha xilli xiriirka labada waddan uu qallafsan yahay tartanka awoodeed ee Koonfurta Bari ee qaarada Aasiya awgeed.
Safarkan ayaa dib loo dhigay bishii Febraayo kadib markii labada waddan ay isku khilaafeen buufin dul heehaabaysay Maraykanka oo Siinuhu ku dooday inuu ahaa mid loogu talogalay xogta isbeddelka cimilada, halka Maraykanu ay sheegeen inuu wax basaasayey.
Booqashadan cusub iyo xiriirka labada waddan ayaa Sahra Ciidle Nuur ay ka waraysatay Maxamed Haaruun Biixi oo ah cilmi-baare iyo qoraa ku sugan magaalada Nairobi.
Madal