Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay doorashada Ruto uga dhigan tahay Soomaalida Waqooyi Bari Kenya?


Kenya ayaa yeelatay Madaxweyne cusub kadib doorasho adag oo dalkaasi ka dhacday 9-kii bishan, waxaana ku guuleystay William Ruto oo hoogaamiya xisbiga UDA oo ah xisbi ay inta badan iska dhex arkayaan siyaasiin kala duwan oo kasoo kala jeeda ismaamulada kala duwan ee Kenya.

Bulshada Soomaalida ayaa la hadal hayaa inaysan saamayn sidaasi u badan ku lahayn is-badalka cusub ee dalka Kenya ka dhacay maadaama inta badan Soomaalida Waqooyi Bari Kenya ay u codeeyeen xisbiga kale ee Azimio ee Raila Odinga.

Haddaba, muxuu isbadalkaan cusub ee madaxtanimada ee ka dhacay Kenya uu uga dhigan yahay Soomaalida Waqooyi Bari.

Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed ayaa su’aashaas iyo kuwo kale waxaa uu waydiiyay Biloow Keeroow oo kamid ah siyaasinta Soomaalida Kenya.

Maxay doorashada William Ruto uga dhigan tahay Soomaalida .mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:46 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG