Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhawaan billaabaya muddo xileed-kiisa cusub ee hoggaanka madaxtooyada Turkiga ee shanta sano ee soo socota.
Erdogan ayaa ku guuleystay doorashadii dhacday Axaddii kaddib markii uu helay in ka badan 52%.
Dalka Turkiye waxa ka taagan carqalado badan oo sicir-bararku kow yahay iyo aafadi uu ka tagay dhul-garriirkii lagu hoobtay.
Haddaba muddo xileedkaan cusub ee madaxweyne Erdoqaan, maxay shacabka Turkigu ka filayaan, sidee ayuu u soo jiidan karaa codbixyaasha mucaaradka ee isaga ka codeeyay, guushiisu se maxay uga dhigan tahay dalalka Bariga iyo Galbeedka.
Wariyaha VOA ee Qaarada Yurub, Cabdixafid Cawil Ismaaciil ayaa arrinkan ka wareystay Cabdifataax Xasan Yusuf oo bartey siyaasada iyo diblomaasiyadda deggana magaalada Istanbul.
Madal