Xoghayaha gaashaandhigga Marayankan Lloyd Austin oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay safar shaqo ku marayay Geeska Afrika ayaa shalay magaalada Nairobi ee Kenya kula saxiixday dawladda Kenya heshiis lagu sii xoojinayo danaha ay wadaagaan dolwadaha Kenya iyo Maraykanka.
Wasiirada Gaashaandhiga ee Maraykanka Lloyd Austin iyo ka Kenya Aden Barre ayaa sidoo kale ka wada hadlay dardar gelinta la-dagaallanka kooxaha argagixisada ee Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka.
Hadaba, maxay tahay muhiimadda uu safarka Austin uu ku marayo qaarada Afrika uu u leeyahay gobolka?
Su’aashaasi iyo su’aalo kale ayuu Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud xareed wuxuu waydiiyay, Axmed Maxamed Mooge, oo ah aqoonyahan ku takhasuusay Xiriirka Caalamiga ee Dowladaha, kana faallooda arrimaha gobolka.
Madal