Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxakamadda Sare ee Mareykanka oo baabi'isay sharci dumarka u oggolaa inay ilmaha iska soo tuuraan


Dhismaha Maxkamadda Sare ee Washigton D.C.
Dhismaha Maxkamadda Sare ee Washigton D.C.

Maxakmadda Sare ee Mareykanka ayaa maanta oo Jimca ah baabi'isay sharci ay horey u ayiday oo dumarka Mareykanka u ogolaanayay inay ilmaha iska soo xaaqi karaan, waxaana sharcigaas oo loo yaqiinay Roe v. Wade uu Mareykanka sharci ka ahaa tan iyo sanadkii 1973kii.

Waxa uu ka mid yahay sharciyada ugu muranka badnaa ee sida weyn u saameeya ololayaasha siyaasadda iyo doorashooyinka dalkan.

Sagaalka Qaadi ee Maxkamadda Sare ayaa go’aankan ugu codeeyay, ayaa lix ka mid ah oo sharcigan in la’aalo ogolaaday, hlaka saddexda kale ay diideen.

Go’aankan ayaa sidoo kale siinaya gobolada Mareykanka inay sharciyo u gaar ah oo arintan ilma iska soo ridista la xiriira sameysan karaan.

Ku dhawaad kala bar gobolada Mareykanka ayaa la filayaa inay mamnuucaan ilma-iska soo tuurka. iyagoo ka shidaal qaadanaya go’aankan ay gaartay Maxkamadda Sare.

Mid ka mid ah qareenaddii muxaafidka ahaa ee sharcigan laalay Samuel Alito, ayaa yiri "aqlabiyadda ayaa sharcigan meesha ka saartay"

Waxaa kaloo go’aankan u codeeyay shan qaadi oo kale oo muxaafid ah oo uu ku jiro ninka ugu sareeya Maxkamadda John Roberts.

Sadexda qaadi ee siyaasadoodu furfurantahay ayaa durba naqdiyay go’aankan, taasoo dhalisay in kuwa la fikirka ah ay dibad-baxyo ka hor ogaan dhismaha Maxkamadda Sare ee magaaladan Washington.

Go’aankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo mudanayaasha Jamhuuriga ee Congresska Mareykanka ay dadaal ugu jireen inay kala bar gobolada Mareykanka laga mamnuuco ilma iska soo xaaqista, halka Dimuquraadiyiintu ay doonayaan inay difaacaan.

Hadaba sharcigan iyo go'aanka Maxkamadda waxa uu uga dhiganyahay siyaasadda Mareykanka ayaa Maxamed Cabdi Xassan uu ka wareystay garyaqaan Amiin Haruun oo ka mid ah sharci yaqaanada Soomaaliyeed ee Mareykanka.

Wareysiga Garyaqaan Amin Harun.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:36 0:00

XS
SM
MD
LG