Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa xilligan keenaya in Erdogan uu booqdo Sucuudiga?


Madaxweynaha Turkiga Recep Tayip Erdogan iyo Dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed bin Salmaan
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayip Erdogan iyo Dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed bin Salmaan

DUBAI, UNITED ARAB EMIRATES — Tan iyo wixii ka dambeeyey dilkii loo geystey weriye Jamaal Khashoggi ee dhacay sannadkii 2018, waxaa aad u xumaaday xidhiidhka ka dhexeeya dalalka Sucuudiga iyo Turkiga, hase ahaatee saddex sano iyo badh ka bacdi, waxay u muuqataa in Sucuudiga iyo Turkigu ay haatan qorshaynayaan inay hagaajiyaan xidhiidhkooda.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa haatan Sucuudiga ku jooga safarkiisii ugu horreeyey ee uu dalkaas ku tago muddo shan sannadood ah. Markii uu gaadhay boqortooyada Sucuudiga, waxay laabta is geliyeen dhaxal-sugaha dalka Sucuudiga Boqor Maxamed bin Salmaan, iyada oo warbaahintu soo bandhigtay labada hoggaamiye oo wada qaxwaynaya, sidoo kalena wada cashaynaya.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa haatan u soo jeestay inuu hagaajiyo xidhiidhka uu la leeyahay dalalka Khaliijka isaga oo doonaya in dalalkaasi ay gacan ka geystaan maal gashi ballaadhan oo lagu sameeyo dalka Turkiga, iyada oo dalkiisu uu haatan la daalaa dhacayo dhaqaale xumidii ugu darnayd ee soo marta muddo labaatan sano ah. Sicir-bararka ayaa gaadhay illaa 61%, halka qiimaha lacagta Liiraha ee dalkaasina hoos u dhacday illaa 44%.

Turkiga ayaa hore u hagaajiyey xidhiidhka uu la leeyahay dalalka Masar, Imaaraadka Carabta iyo Israel. Dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday inay illaa 10 bilyan oo dollar ku maalgashan doonaan dalka Turkiga si loo taageero hannaanka soo kabashada dhaqaalaha Turkiga.

Dhinaca Sucuudiga laftiisa ayaa haatan doonaya inuu ballaadhiyo xulafadiisa gobolka, xilli uu sii xumaaday xidhiidhka u dhexeeya Sucuudiga iyo Maraykanku.

Illaa haatan wax wada hadal ahi ma dhex marin madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed bin Salmaan.

XS
SM
MD
LG