Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mas'uul ka tirsanaa maamulka Awdheegle oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho
Muqdisho

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa lagu dilay Muqdisho maanta.

Guddoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee degmada Awdheegle ayaa lagu dilay degmada Xamar Jajab galabta, sida uu mas’uul ka tirsan maamulka Shabelleeda Hoose ee uu ka tirsanaa ay u sheegeen idaacadda VOA.

Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Faqay Cabdulle Mayow, waxaana la sheegay inay dablay bartilmaameedsadeen, ayna rasaas ku fureen.

Booliska ayaan weli rasmi ahaaa u sheegin in dad loo soo qabtay dilkaasi iyo in kale.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in maleeshiyadeeda ay fuliyeen dilka.

Madal

XS
SM
MD
LG