Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo qaaday tallaabo ka dhan ah qulqulka Muhaajiriinta


Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay inay ciidamo dheeraad ah gayn doonto si ay gacan uga gaystaan sugidda amniga xuduudda Mareykanka iyo Mexico.

Go’aankan ayaa imanaya xilli saraakiisha ay ka cabsi qabaan inay sare u kacaan muhaajiriinta isku dayaya inay kasoo gudbaan xuduudda marka ay 11-ka May dhammaadaan xayiraadaha socdaallka ee la xiriira COVID-19.

Qiyaastii 1,500 oo askari ayaa la gayn doonaa xuduudda, kuwaasi oo dheeri ku noqon doona 2,500 oo horey halkaas u joogay si ay u taageeraan mas’uuliyiinta ilaalada xuduudda.

“Muddo 90 maalmood ah, shaqalaahan militari waxay buuxin doonaan firaaqyo xasaasi ah,” waxaa sidaas bayaan ku yiri afhayeen u hadlan Pentagon-ka Sarreeye Guuto Pat Ryder.

Marka la gaaro 11-ka May, maamulka madaxweyne Biden ayaa qaadi doona xeerka Title 42, oo ah xayiraad adag oo uu soo saaray madaxweyne Donald Trump, si uu u diido soo gelitaanka muhaajiriinta, una eryo dadka magan-galyo doonka ah, ayada oo qiil laga dhiganayo COVID-19.

Ayada oo la fududeynayo xeerarkii Coronavirs -- oo ay ku jirto go’aankii Isniinta ee lagu soo afjaray tallaalka looga baahnaa dadka usoo safraya Mareykanka -- maamulka Biden qiil kama dhigan karo xeerka Title 42, si loo xakameeyo muhaajiriinta.

Taa beddelkeeda, maamulka ayaa qorsheynaya inuu Muhaajiriinta ku xakameeyo adeegsiga Xeerka Title 8, oo dambi ka dhigaya kasoo tallaabista sharci-darrada ah ee xuduudda, taasi oo qofka sidaas sameeya u diideysa inuu sharci helo mustaqbalka.

Washington ayaa sheegtay inay rajeyneyso in muhaajiriinta iyo magan-galyo doonka ay hadda isku diiwaan geliyaan wareysiga saraakiisha socdaalka ayaga oo jooga dalalkooda, ama dalalka ay soo maraan kahor inta aanay iman xuduudda.

Wareysiga waa in lagu soo diyaariyaa app-ka cusub ee CBP One.

Sidoo kale, Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday toddobaadkii tegay inay diyaarineyso xarumo lagu eego kiisaksa muhaajiriinta oo laga sameynayo dalalka -- ayada oo lagu billaabayo Columbia iyo Guatemala.

Dalalka Canada iyo Spain ayaa sidoo kale ogolaaday inay qaataan qaar ka mid ah muhaajiriinta kiiskooda lagu soo caddeeyo dalalkaas, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

AFP

XS
SM
MD
LG