Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo dalbaday in la sii daayo suxufi ka tirsan VOA-da oo ku xiran Koofurta Sudan


Safaaradda Mareykanka ee South Sudan ayaa Talaadadii ugu baaqday mas’uuliyiinta dalka ku yaalla bartamaha Afrika inay xabsiga ka sii daayaan wariye Diing Magot, oo ah weriye madax-bannaan oo wax ka daadihisa barnaamijka Focus ee Idaacadda VOA laanteeda Koonfurta Suudaan, taas oo lagu xiray caasimadda,Juba, Axaddii.

Booliska ayaa xiray weriyahan iyo dhowr qof oo mudaaharaadayay, waxaana ay u kaxeysteen saldhigga booliska Malakia, iyadoo Maamulka Warbaahinta Koonfurta Suudaan - oo ah hay'ad dowladeed - ay weydiistay VOA-da inay keento warqad xaqiijinaysa in Magot ay u shaqeyneysay Idaacadda caalamiga ah.

Magot ayaa ka warrmeysay mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo dhaqaale xumada, iyada oo markii la xirayay aan wadan aqoonsideeda ama kaarka saxaafadda.

"Waxaan warqadda caddeyn ah u gudbinay maamulka warbaahinta, waxaana filaynay in si degdeg ah lagu sii daayo," ayay sarkaalka xiriirka dadweynaha u qaabbilsan VOA Anna Morris ku sheegtay hadal ay soo saartay Talaadadii.

"Aad baannu uga xunnahay xarigga Diing Magot," ayay tiri Morris oo raacisay "Waxaan ka codsaneynaa maamulka South Sudan in si deg deg ah loo sii daayo wariyeheenna."

Safaaradda Mareykanka ee Juba ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta inay "si degdeg ah u sii daayaan" Magot, iyada oo xustay in la xiray xilli ay tabineysay dibad-bax nabadeed, waxay intaas ku dartay, "Waxaan xaqiijineynaa in saxafiyiinta ay xaq u leeyihiin inay shaqadooda qabsadaan iyadoo aan la faragelin ama dhibaato loo geysan."


Ururka saxafiyiinta Koonfurta Suudaan ayaa sheegay in qareenada u doodayay wariyahan loo diiday inay arkaan.

XS
SM
MD
LG