Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Biden oo caawa jeedin doona khudbadda State of the Union

Joe Biden
Joe Biden

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa maanta khudbaddiisii sanadlaha u jeedin doona labada gole ee Congress-ka Mareykanka.

Khudbaddan oo loo yaqaan The State of the Union, ayaa ah mid sanad walba bilowgiisa uu mdaxweynaha markaasi kursiga ku fadhiya ka hor jeediyo Congaress-ka, ayaa lagu wadaa inuu Biden uga hadlo, guulaha uu maamulkiisu ka gaaray siyaasadda gudaha, sida uu u maareeyay dhaqaalaha, xakameynta hubka iyo socdaalka.

Khudbaddan oo ah tiisii afaraad ee ugu dambeysa muddo xileedkiisa, ayaa sidoo kale Biden waxaa lagu wadaa inuu kaga hadlo dagaalka bariga dhexe iyo Ukraine.

Warbixin ay arrintan VOA-du ka qortay waxaa soo koobeysa Sahra Cabdi Axmed.

Madaxweyne Biden oo caawa jeedin doona khudbadda State of the Union
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:53 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG