Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Ukraine oo booqasho ku imaanaya Mareykanka


Ukraine's President Zelenskiy attends the conference in solidarity with the Ukrainian people in Paris via videolink, in Kyiv
Ukraine's President Zelenskiy attends the conference in solidarity with the Ukrainian people in Paris via videolink, in Kyiv

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa isku diyaarinaya inuu booqasho ku yimaado Washington Arbadada maanta ah, sida ay sheegeen saddex ilo-wareed oo ay soo xigtay wakaaladda AP, waxa uu noqonayaa safarkiisii ugu horreeyay ee uu dibadda ugu baxo tan iyo intii uu bilowday duulaankii Ruushka ee Ukraine bishii February.

Laba ilo-wareed oo ka tirsan aqalka Congress-ka iyo hal qof oo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay qorshayaasha booqashadan iyagoo codsaday inaan la magacaabin sababo la xiriira booqashadan oo ah mid xasaasi ah, wakaaladda AP waxaa ay intaasi ku dartay in ay suuragal tahay in uu ka baaqan karo safarka sababo la xiriira amaanka.

Wariyaha VOA-da ee London Ridwan H Abdiwali ayaa warbixintan ay qortay AP soo jeedinaya.

Madaxweynaha Ukraine oo isku diyaarinaya inuu booqasho ku yimaado London.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:40 0:00

XS
SM
MD
LG