Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Nigeria oo eryay madaxa ka hortagga musuqmaasuqa


Nigeria Bola Tinubu Presidential Inauguration
Nigeria Bola Tinubu Presidential Inauguration

Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu ayaa Arbacadii shaqada ka joojiyey madaxa waaxda dambiyada dhaqaalaha iyo maaliyadda Abdulrasheed Bawa kadib markii lagu soo eedeeyay ku takri falay awoodda xaafiiskiisa, sida ay madaxtooyadu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Tallaabadan ayaa timid toddobaad kadib markii madaxweynaha uu shaqada ka joojiyay gudoomiyihii bangiga dhexe ee dalka Godwin Emefiele.

Afhayeen u hadlay waaxda dambiyada dhaqaalaha iyo maaliyadda (EFCC) ayaan isla markiiba ka jawaabin codi la xiriiray faahfaahinta arrintan.

EFCC oo dhisan 20 sano ayaa waxay baartaa oo dacweysaa dambiyada maaliyadeed, oo ay ku jiraan lacag-dhaqidda iyo musuqmaasuqa.

Bawa, oo ah guddoomiyihii shanaad ee EFCC, ayaa la magacaabay labo sano ka hor ka dib markii Senateku uu diiday in uu ansixiyo dib u magacaabista guddoomiyihii isaga ka horreeyay oo xilka hayay afar sano.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG