Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Kenya oo Noordin Haji u magacaabay Agasimaha Sirdoonka


Haji
Haji

Madaxweyne Kenaya William Ruto oo is-bedello ku sameynaya hay'daha dowladda ayaa maanta u magacaabay Noordin Haji inuu noqdo agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NIS, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Kenya.

Ruto ayaa sheegay in haddii Baarlamaanku uu meel mariyo magacaabistan in Nooradin Haji uu bedelayo Philip Kameru oo lagu wado inu noqdo howlgab, waxaana uu ahaa agaasimaha Sirdoonka Kenya tan iyo bishii September ee sannadkii 2014-kii.

Sida lagu sheegay yabaankan, Madaxweyne Ruto, ayaa ku tilmaamay 'waxqabadkiisa NIS mid aad u wanaagsan, isagoo dalka ka caawiyay ka hortagga argagixisada, dambiyada caalamiga ah iyo "khatarta ugu weyn ee amnigeena".

"Mudane Xaaji kuma cusba hawsha loo magacaabay. Isagoo soo noqday Agaasimaha Xeer Ilaalinta Guud (DPP) iyo Agaasime ku xigeenka Waaxda Dembiyada Abaabulan ee NIS, wuxuu leeyahay khibradda lagama maarmaa u ah masuuliyadda cusub" ayuu Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale oo ka mid madaxda Soomaalida ah ee soo dhaweeyay magacabistiisa.

XS
SM
MD
LG