Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ma laga yaabaa in Tottenham ay fasaxdo Harry Kane?


Tababaraha cusub ee Tottenham Hotspur Ange Postecoglou ayaa sheegay inuu rajaynayo in aragtidiisa kooxda horyaalka Premier League ay ku qancin karto Harry Kane inuu sii joogo, laakiin wuxuu intaa ku daray inuusan helin wax dammaanad ah oo ku saabsan mustaqbalka weeraryahankan.

Kane, oo ah gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda Spurs, ayaa lala xiriiriyay inuu ka tagayo kooxda, iyadoo kooxda Bundesliga aadka u culus ee Bayern Munich lagu soo warramayo inay ka mid tahay dhowr kooxood oo waaweyn oo xiiseynaya saxiixa kabtanka England.

"Harry Kane waa mid ka mid ah weeraryahannada ugu sarreeya adduunka, waxaana doonayaa halkan guulo ku gaaro" ayuu Postecoglou ku sheegay shir jaraa'id Isniintii. “Waxaan doonayaa inaan kooxdan ka dhigo mid guulaysta, shaki kuma jiro inay taasi tahay waxa uu doonayo." ayuu raaciyay.

Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa seegtay koobka kooxaha adag ee Yurub markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2009-10, sidoo kale waxay ku guuldareysteen inay soo afjaraan abaartii koobabka ee 15 sano jirtay.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG