Isku xirrada

War Deg-Deg ah

7 Qof Oo Lagu Helay Dambi La Xiriira Qaraxyadii Kampala


Uganda map
Uganda map

Maxkamad ku taalla dalka Uganda ayaa danbi ku heshay 7 qof oo lala xiriirinayo weerarradii argagixisada ee Magaalada Kampala ka dhacay 2010, kuwaasoo ay ku dhinteen 76 qof oo daawanayay ciyaaradaha adduunka.

Dadkan ayaa wajihi kara dil toogasho.

Garsoore Alphonse Owiny Dollo ayaa sheegay in Issa Luyima uu abaabulay qaraxyadii dhacay bishii July ee 2010, oo ay sheegatay koxoda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Dadkan auaa waxay ka mid ahaayeen 13 qof, oo ay ku jiraan dad u dashay dalalka Kenya iyo Tanzania oo wajahayey dacwado la xiriiro argagixisanimo, dil iyo ka mid ahaanshaha koox argagixiso.

XS
SM
MD
LG