Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kuuriyada Koonfureed oo hal sano ka dhimaysa da'da diiwaangashan ee shacabkooda


Madaxweynaha la doortay ee dalka Kuuriyada Koonfureed
Madaxweynaha la doortay ee dalka Kuuriyada Koonfureed

Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa ku talo jira inay hal sano illaa laba sano ka jaraan da'da u diiwaangashan dadka u dhashay dalkooda, haddii la ansixiyo hindisaha uu horkacayo madaxweyne Yoon Suk-yeol oo la filayo inuu dhawaan xilka la wareego.

Yoon Suk-yeol oo xafiiska la wareegaya bisha soo socota ayaa ballan qaaday inuu baabi’inayo habka gaar ah ee uu dalka Kuuriyada Koonfureed uu u xisaabiyo da'da. Sida uu qabo sharciga dalkaasi, caruurtu marka ay dhashaan waxaa da'dooda laga bilaaba hal sano.

Tusaale ahaan, ilmuhu marka uu dhasho, waxaa da'diisa loo diiwaangeliyaa hal sano jir, iyada oo ay u raacayso bilaha uu ka dhashay sannadkaas. Marka la gaadho bisha January 1-deeda waxaa ilme kasta u bilaabma sannad cusub oo kale oo da'diisa loo tirinayo. Tusaale ahaan ilmaha dhasha bisha December 31-keeda, waxaa maalinta xigta oo ah January uu ilmahaasi jiraa laba sano.

Marka la tixraaco nidaam xisaabeedka da'da ee dalka Kuuriyada Koonfureed, waxay ka dhigan tahay in qofka u dhashay dalka Kuuriyada Koonfureed inuu hal sano ka weyn yahay, qofka ay isku sannadka iyo bisha dhasheen ee ku nool meel kale oo dunida ah.

Haddii la ansixiyo hindisahan lagu tirtirayo sharcigaas, waxaa dadka u dhashay Kuuriyada Koonfureed, loo xisaabinayaa sannadaha rasmiga ah ee ay jiraan, iyada oo laga jarayo sannadka dheeraadka ah.

Hab xisaabeedkan da’da ee ku salaysan dhaqanku waa mid si weyn looga isticmaalo wadamada bari ee qaaradda Asia, hase ahaatee dalalkaas kale badankoodu waxay mar hore qaateen hannaanka caalamiga ah ee loo xisaabiyo da’da.

Illaa iyo hadda ma cadda Meesha ay ka timi hab-xisaabeedkan da'du. Waxaase jirta hal aragti oo sheegaysa in nidaamkan loola jeedo in la aqoonsado nolosha ilmaha ee xilligii uu uurka ku jiro, halka qaar kale ay sheegaan in nidaamkani uu ka soo jeedo xilliyo hore oo aanay tirada ku jirin eber ama zero, sidaas awgeed laga bilaabi jiray hal iyo wixii ka sareeya.

Kuuriyada Koonfureed ayaa marar kala duwan isku dayday in ay hannaankan baabi'iso hase ahaatee uma suuro gelin waxayna abuurtay jahawareer. Sanadihii la soo dhaafay, shacabka Kuuriyada Koonfureed waxay si isa soo taraysa u taageerayeen fududaynta nidaamka xisaabinta da'da. Inkasta oo dadka ka soo horjeedaa ay ku doodayeen inay tallaabadani abuuri karto jaha-wareer iyo arrimo ka dhan ah dhaqanka iyo caadada soo jireenka ah ee bulshadaasi.

Daraasad uu sameeyey machadka Honkook Research ayaa 71% bulshada ku dhaqan dalka Kuuriyada Koonfureed waxay taageereen in la baabi’iyo nidaamka xisaabinta da’da ee ku salaysan dhaqanka.

Waalidku ma jecla in caruurtoodu ay dhalato sannadka dhammaadkiisa, iyada oo ay ugu wacan tahay, in caruurtooda oo da’doodu yartahay ay fasal la fadhiisan doonaan caruur ka waaweyn, maadaama ilmaha loo xisaabinayo inuu laba sano jiro, marka uu dhashoba.

XS
SM
MD
LG