Waxaa dalka Ruushka xalay ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Midowga Soviet ee 1985 ilaa 1991-kii Mikhail Gorbachev, xilligaasi oo isbeddello waaweyn ay ka dhaceen dunida, gaar ahaan dalkii Midowga Sovieti oo burburay, iyo waddamo badan oo Yurubta Bari ah oo madaxbannaani qaatay, halka dagaalkii qaboobaana uu dhammaaday.
Haddaba kuma ayuu ahaa Gorbachev? Su’aashaas iyo kuwo kale ayaa Haaruun Macruuf uu weydiiyey Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo cilmiga Juquraafiga ka dhiga Jaamacadda Minnesota, kana mid ah xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliya.