Jigjiga —
Dab xooggan oo ka kacay bartamaha suuqa weyn ee magaalada Jigjiga ayaa waxaa ka dhashay khasaare hantiyeed iyo bur bur, waxaana qaar kamid ah dadka uu khasaaraha kasoo gaaray oo VOA la hadlay ay ka warrameen dareenkooda.
Maxamed Cabdiraxman Ugaas Gaataa ayaa faahfaahinta warkan Jigjiga kasoo diray.