Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khasaaraha dabkii suuqa Jigjiga oo lagu qiyaasay $25 milyan


Duqa Caasimadda dawlad-deegaanka Soomaalida ee Jigjiga Eng. Siyaad Cabdi Axmed oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay suuqii ganacsiga uu gaarayo 1.5 bilyan oo birr oo u dhiganta 25 milyan oo doollar.

Duqa Jogjiga ayaa sheegay in ganacsatadii suuqa loo diyaariyay goobo kumeel gaadh ah inta laga bilaabayo dhismaha rasmiga ah.

Eng. Siyaad Cabdi Duqa sidoo kale ka hadlay dayacyirka iyo hagaajinta waddooyinka laamiyada ah ee magaalada oo uu sheegay in kuwo badan la dhamaystiray halka dhanka kalana uu sheegay in kuwo kalee socdana dhawaan lasoo gaba gabayn doono.

Waxa uu magaalada Jigjiga ugu warramay Wariyaha VOA, Maxamed Cabdiraxman Ugaas Gaataa.

Dhageyso Wareysiga duqa Jigjiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:13 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG