Booliska magaalada Boosaaso oo saaka hawlgal ka fuliyay xaafado ka mid ah magaalada ayaa waxay ku soo qabqabteen maandooriye kala duwan oo ay ku jirto Khamri.
Taliye ku xigeenka booliska Puntland G/sare Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegay dadka la xir xiray loo gudbin doono xabsiga weyn, ilaa laga soo taagayo maxkamad.
Dadkaasi ayuu ku sheegay inay ku jiraan kuwo ka ganacsanayay maandooriyaha iyo kuwo isticmaalayay. Wuxuu kaloo sheegay inay qaarkood ka mid noqon karaan kuwa dambiyada ka geysta gudaha magaalada Boosaaso.