Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo xal u raadineysa weerarada Al-Shabaab ee dalkaas oo kordhay


Aadan Barre
Aadan Barre

Wax ka yar bil ayaa maleeshiyada Al-Shabaab waxay gudaha Kenya ka gaysteen illaa iyo lix weerar oo ay ku dileen dad ka badan 11 qof, ku dhawaad 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarada waxay ka kala dhaceen deegaanada Garissa, Wajir iyo Mandera.

Waxaa ugu dambeeyay miino ay kooxdu waddada u dhigtay gaari ay lahaayeen ciidamada booliska Kenya oo ilaalo ka ahaa Bas rakaab u siday magaalada Nairobi.

Dhinaca kale, Kenya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay uga sifeyn laheyd Al-Shabaab deegaanada Waqooyiga Bari ee ay ku dhuumanayaan, waxaana wasaaradda Gaashandhigga kenya ay ku dhawaaqday masharuuc looga hortagayo Al-Shabaab.

Wariyaha VOA-da Maxamed Faarax Shire ayaa warbixintan ka soo diray Gaarisa.

Kenya oo xal u raadineysa weerarada Al-Shabaab ee dalkaas oo kordhay
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:16 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG