Nairobi —
Ayadoo maanta dunida laga xusayo maalinta qaxootiga adduunka, ayaa laanta arrimaha qaxootiga ugu qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ay sheegtay in Kenya ay beddashay go’aankii ay ku damaacsanayd inay ku xirto xeryaha Qaxootiyada ee Dhadhaab.
Ergayga gaarka ah ee UNHCR ugu qaabilsan arrimaha qaxootiga Bariga Africa Maxamed Cabdi Affeey ayaa VOA-da u sheegay in dadaal dheer kadib ay hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR iyo Dowladda Kenya ay isku raaceen in go’aankaasi xeryaha lagu xirayay gabi ahaanba meesha laga saaro, loona badalo sidii qaxootiga loo deegaamayn lahaa.
Afeey ayaa Nairobi ugu warramay wariyaha VOA-da Khadar Maxmuud Xareed.
Embed
share
The code has been copied to your clipboard.
The URL has been copied to your clipboard
No media source currently available
Madal