Kari Lake ayaa loo magacaabay la-taliyaha saree e Hay’adda Warbaahinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAGM), iyadoo kala talin doonta hoggaanka hay’adda arrimaha mudnaanta u leh Maamulka Madaxweyne Donald Trump, gaar ahaan laamaha Voice of America (VOA) iyo Xafiiska Warbaahinta Cuba (OCB).
Lake, oo ah saxafi khibrad dheer u leh warbaahinta, waxay leedahay waayo-aragnimo ballaaran oo ka badan labaatan sano oo dhanka warbaahinta ah. Waxay warbaahinta ka bilowday in ka badan 30 sano ka hor, iyadoo kasoo shaqeysay telefishinnada KWQC-TV ee Davenport, WHBF-TV ee Rock Island, iyo KPNX ee Phoenix.
Waxay sidoo kale kasoo shaqeysay WNYT ee Albany, NY, kahor inta aysan dib ugu laaban Arizona, halkaas oo ay muddo ka badan 20 sano ahayd barnaamij-sameeyaha wararka fiidkii ee KSAZ-TV (Fox 10 Phoenix). Intii ay shaqeyneysay, waxay wareysatay hoggaamiyeyaal caan ah, oo ay ku jiraan madaxweynayaal Mareykan ah, waxayna heshay laba abaalmarin oo Emmy ah oo lagu sharfay warbixinnadeeda caalamiga ah.
Iyadoo Lataliye Sare u ah maamulka Trump, Lake waxay kaalin weyn ka qaadan doontaa hirgelinta siyaasadaha iyo xeeladaha lagu hagaajinayo maamulka USAGM, shabakadaha ay maamusho, iyo hay’adaha ay maalgeliso. Khibraddeeda ballaaran ee warbaahinta ayaa la filayaa inay si weyn uga faa'iideyso dadaallada USAGM ee lagu gaarsiinayo siyaasadaha maamulka Trump dhagaystayaasha caalamiga ah.
Roman Napoli, Madaxa Maaliyadda USAGM oo hadda si ku-meelgaar ah u haya xilka Madaxa Fulinta ee USAGM, ayaa shaaciyay magacaabista Lake, isagoo xusay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leedahay warbaahinta iyo hoggaaminteeda warbaahineed.
Ku saabsan USAGM
Hay’adda Warbaahinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAGM) waxay maamushaa dhowr shabakad oo baahinaya wararka caalamiga ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin VOA, OCB, Radio Free Europe/Radio Liberty, Radio Free Asia, iyo Middle East Broadcasting Networks. Ujeeddada hay’addu waa in ay siiso dhagaystayasha calamiga ah warar sax ah, dhexdhexaad ah, iyo xog rasmi ah, gaar ahaan meelaha ay cabburinta warbaahinta ka jirto.
Madal