Jabuuti —
Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ayaa Khamiisti shalay aheyd sheegay in ay isfaham ka gaareen muran dhinaca ganacsiga ah oo dhawaan soo kala dhex-galay.
Muranka ayaa ku saleysnaa qiimo-koror lagu sameeyay khudaarta iyo jaadka Jabuuti uga yimaada dhinaca Itoobiya.
Warbixintaan waxaa noo soo diray wariyaha VOA-da ee Jabuuti Ramadan Musa.