Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Itoobiya oo bilowday inay koronto u dhoofiso Kenya


Ethiopian Dam Starts Generating Power - GERD
Ethiopian Dam Starts Generating Power - GERD

Itoobiya ayaa sheegtay inay billowday inay koronto u dhoofiso Kenya, sida uu dhigayo heshiis 25 sano ah oo u dhexeeya labada dal ee deriska ah ee Bariga Afrika.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Itoobiya horraantii sanadkan ay ku dhawaaqday inay bilowday inay koronto ka dhaliso mashruuca biyo xireenka weyn ee ay ka waddo webiga Niil.

Waaxda Korontada Itoobiya ee (EEP) ayaa sheegtay in khadka isku xira labada dal oo ay ku kacayso 500 milyan oo doolar uu awood u leeyahay inuu gudbiyo 2,000 megawatts, isla markaana uu soo saaro ilaa 100 milyan oo doolar sannadkii.

"Waa mashruuc muhim ah oo ku wajahan in wax laga beddelo xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Kenya ee dhinacyada badan leh," ayuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray Safiirka Itoobiya ee Kenya Bacha Debele Jimcihii.

Hay’adda Shidaalka iyo Tamarta ee Kenya (EPRA) ayaa xaqiijisay inay Khamiistii bilowday inay koronto ka keensato dalka Itoobiya.

Itoobiya ayaa markii ugu horreysay biloowday inay koronto ka dhaliso biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam ee ku yaal webiga Blue Nile bishii Agoosto, waxayna bishii Ogosto ku dhawaaqday in marawaxadaha labaad ay bilaabeen inay soo saaraan koronto.

Mashruucan oo ku kacaya 4.2 bilyan oo dollar, kaas oo ka careysiiyay dalalka dariska ah ee Suudaan iyo Masar, ayaa ugu dambayntii la filayaa in laga dhaliyo in ka badan 5,000 oo megawatts oo koronto ah, taas oo ka badan laban-laab midda wax soo saarka Itoobiya ee hadda.

Itoobiya ayaa horeba Korontada uga iibinaysa Suudaan iyo Jabuuti, waxayna heshiisyo is-afgarad ah la saxeexatay Koonfurta Suudaan, Tanzania iyo maamulka Somaliland, sida ay sheegtay waaxda korontada Itoobiya ee EEP.

APF.

XS
SM
MD
LG