London —
Ra’iisal Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa lagu eedeeyey in uu isbarbar dhigay dagaalka ka socda Ukraine ee ka dhashay duulaanka Ruushka iyo codeyntii aftidii ay Britain kaga baxday Midowga Yurub.
Khudbad uu ka jeediyey kulankii xisbiga talada haya ee Gu’gan ayuu ku sheegay in dadka reer Ukraine iyo Britain ay iskaga mid yihiin doonista xorriyada Kiev ay u dagaalamayaan iyo aftidii sannadkii 2016-kii ay Britain kaga baxdey Yururb.
Hadalkan Ra’isal Wasaare Boris Johnson ayaa ka careysiiyey qaar ka mid ah siyaasiyiiinta Britain iyo reer Yurub.
Warbxin arrintaas ku saabsan waxa magaalada London kasoo soo direy Wariyaha VOA-da Qaarada Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.