Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo kusii dhowaatay inay hesho Nukliyeer


Warshadda Nukliyeerka Bushehr ee Iran
Warshadda Nukliyeerka Bushehr ee Iran

Iran ayaa soo saartay in ka badan 120 kg, oo ah macdanta uranium-ka ee la kobciyey 20 boqolkiiba, waxaa sidaas habeenkii Sabtida taleefishinka dowladda u sheegay madaxda hay’adda tamarta atoomiga ee dalkaas.

“Waxaan ka gudubnay 120 kg,” ayuu yiri Mohammad Eslami, maaxda Ururka Tamarta Atoomiga Iran. “Waxaan hadda haysanaa tiradaas ka badan.”

“Shacabkeena way ogyihiin in ayaga (Quwadaha Reer Galbeedka) laga doonayey inay na siiyaan shidaal la kobciyey 20% si aan ugu isticmaalno warshadda Tehran, hase yeeshee taas ma aysan sameyn,” ayuu yiri.

Bishii September, Wakaaladda Tamarta Atoomiga Caalamiga ah (IAEA) ayaa sheegtay in Iran ay uranium-keeda kobcisay in ka badan intii loogu ogolaa heshiiskii ay la gashay quwadaha caalamka.

Waxay sheegtay in Iran ay haysatay 84.3 kilo oo ah macdanta uranium-ka ee la kbociyey 20 boqolkiiba, taasi oo ka badneyd 62.8 kilo oo hayadda IAEA ay werisay bishii May.

Heshiikii la gaaray 2015, ayaa dhigayey in Iran aysan uranium-keeda kobcin karin wax ka badan 3.67%, taasi oo aad uga yar tirada loo baahan yahay si loo soo saaro hub nukliyeer, oo ah 90 boqolkiiba.

Heshiiskaas oo Iran ay la galeen Russia, China, France, Germany, UK iyo Mareykanka, ayaa Iran ka qafiifay cunaqabteenada dhaqaale, taasi oo ay ku beddelatay inay dhinto barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Hase yeeshee, madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa heshiiska ka saaray Washington 2018, waxaan kadib Tehran ay joojisay u hogaansamidda qodobada heshiiska.

AFP

XS
SM
MD
LG