Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Inta badan Soomaalidii ku xayirneyd Ukraine 'oo u gudbay' dalal kale


Wufuud ka kala socota Ukraine iyo Ruushka ayaa maanta kulan ku yeeshay meel u dhow xadka Belarus iyadoo dhinaca kalena ay weli dagaalladu sii socdaan.

Wafdiga Ukraine ayaa sheegay inay doonayana xabbad-joojin iyo inay ciidamada Ruushu ka baxaan dalkaas. Ilaa haatan dhinaca Ruushka kama aysan hadlin dalabaadkooda, inkastoo ay horey u sheegeen inay doonayaan inaan Ukraine ku biirin NATO.

Dhinaca kalena waxaa weli ka cararaya dalkaasi kumannaan qof oo kusii jeeda waddamada ay deriska yihiin.

Haddaba mas’uuliyiinta Soomaalida ee safaaradda dalka Belgium ayaa aaminsan in inta badan Soomaalidii ku xayirantay gudaha Ukraine ay fursad u heleen in ay u gudbaan dalalka deriska la ah Ukraine iyo wadamada Midowga Yurub.

Xuseen Barre ayaa faahfaahinta warkan goor dhawayd ka waraystay Cumar Maxamuud Wardheere oo ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Belgium.

Inta badan Soomaalidii ku xayirneyd Ukraine 'oo u gudbay' dalal kale
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:55 0:00

XS
SM
MD
LG