Isku xirrada

Rabshado Dhiig Ku Daatay oo Ka Dhacay Waqooyiga India


Kumannaan ka mid ah taageerayaasha nin Ilaahnimo sheegta oo Hindi ah oo lagu eedeeyey danbi kufsi ah ayaa bilaabay in ay ka baxaan xaruntiisa oo ku taala magaalada Sirsa kadib maalmo ay is hor taagnaayeen ciidamada ammaanka.

Taageerayaasha Ram Rahim Singh, oo ah hogaamiye diimeed Hindu ah ayaa ka jawaabay codsi ay u direen maamulka magaalada Sirsa ee waqooyiga India si looga hortago rabshado kale oo uu dhiig ku daato.

Ugu yaraan 36 ruux ayaa ku geeriyootay kadib marki ay isku dhaceen taageerayaasha wadaadkan iyo ciidamada booliska oo adeegsaday awood.

Singh ayaa lagu wadaa in la xakumo Isniinta, waxana saraakiishu ay ka cabsi qabaan in hadii danbi lagu helo ay taageerayaashiisu sameeyaan qalalaaso uu dhiig badani ku daato.

Rabshadihi ka dhacay Sirsa ayaa bilowday kadib marki ay maxkamada magaalada Panchkula ku eedeysay Singh kufsiga laba dumar ah oo ka mid ah taageerayaashiisa.

Arrintaasi ayaa dhalisay in boqolaal ka mid ah dadka isaga taageersan ay dab qabadsiiyaan dhismayaasha dowladda isla markaana weeraraan saxfiyiin iyo saraakiil boolis.

Boqollaal ka mid ah ciidamada amaanka ayaa wali ku sugan magaalada Sirsa, halka maamulkuna ay geliyeen magaalada bandow.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG