Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Illaa 200 oo qof oo ku dhintay rabshado ka dhacay dalka Sudan


SUDAN DARFUR
SUDAN DARFUR

In ka badan 200 oo qof ayaa ku dhintay isku dhacyada u dhexeeya dadka reer guuraaga Carabta ah iyo beeralayda deegaanka ee gobolka Galbeedka Darfur ee dalka Sudan, waxaana xiisaddan oo soo bilaabantay maalinimadii Jimcaha ee toddobaadkan ay haatan ku fidday illaa caasimadda gobolkaas ee Al Geneina. Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay rabshadahan sii kordhaya.

Qalalaasahan billowday maalintii Jimcaha ayaa wuxuu daba socday, ka dib markii bishii April 21-keedii la helay, meydka laba qof oo reer guuraa ah, taas oo laga helay meel u dhow tuulada Hashaba, oo ka baxsan magaalada Kreinik.

Madaxa waaxda bini’aadanimada ee Galbeedka Darfur Assadiq Mohammed, ayaa sheegay in illaa 201 qof oo meyd ah laga helay waddooyinka iyo goobaha kale ee dadku isugu yimaadaan.

"Dad badan ayaa lagu dhex dilay guryahooda, xaaladdu ma aha mid ku habboon si rasmi ah loo sugo tirada dhimashada. Dhab ahaantii, tiradu way sii kordhi kartaa," ayuu yidhi Assadiq Maxamed oo u waramay Idaacadda VOA laanteeda la hadasha Koonfur Sudan.

Warbixin ay soo saartay hay’adda socdaalka dunida ee IOM ayaa ku qiyaastay in 7,500 illaa 12,500 oo qoys oo ku nool hareeraha Kreink inay gabbaad ka raadsadeen xero ciidan oo maxalli ah si ay uga baxsadaan rabshadahan cusub.

XS
SM
MD
LG