Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ilhaan Cumar oo booqasho ku tagtay Garoowe


Ilhaan Cumar

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta booqasho ku tegtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Ilhaan Omar, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Booqashada oo weli aan si rasmi ah loo shaacin u jeedkeeda ayaa qaadan doonto dhowr maalmood, sida ay sheegtay Puntland. Ilhaan ayaan weli dhankeeda ka hadal booqashada.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa sandkii 2018 noqday labadii gabar ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee ku biira Aqalka Wakiilada Mareykanka. Ilhaan ayaa sidoo kale noqotay qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ama ku dhashay Afrika oo Aqalka ka mid noqda.

Warbixintan waxaa Garoowe kasoo diray Nuux Muuse Birjeeb

Ilhaan Cumar oo booqasho ku tagtay Garoowe
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:13 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG